Xaalada Caafimaad Ee Weriye Bushaaro Baanday oo Laga Deyrinayo

0
1832

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa si weyn looga deyrinayaa Xaaladda Caafimaad ee ay ku sugan tahay Weriye Bushaaro Baanday oo dhowaan Xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay.

Bushaaro Baanday, ayaa dhawaan Ciidamada Booliska Somaliland ka xidheen magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale xilli ay dhinaca dalka Ethiopia ka soo tallaabaysay.

Weriye Bushaaro Baanday oo xilligan ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, ayaa sida ay baraha bulshada lagu faafiyey waxa ay tacaddiyo kala kulantay ciidanka Booliska, balse waxa warkaas waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay Taliska ciidanka Booliska oo faahfaahin ka bixiyey hawl-galkii ay Ciidamadu ku qabteen.

Haseyeeshee, Weriye Bushaaro Baanday, ayaa waxaa la sheegay inay u baahan tahay in Dhakhtar caafimaad la geeyo.

Ciidamada Booliska, ayaa Weriye Bushaaro Baanday u geeyay Cisbitaalka, laakiin waxaa la sheegay inay u baahan tahay Dhakhtar baadhitaan ku sameeya oo ka gun gaadha Xanuunkeeda.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa Weriye Bushaaro Baanday shalay markale u jartay Rummaan (Xabsi ku sii hayn).

Weriye Bushaaro Baanday oo inta badan dhaliisha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka mid ah tiro suxufiyiin dibad-meer ah oo ku lugleh fal-dambiyeedyo la xidhiidha khal-khal gelinta amniga Somaliland iyo kicin dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here