Badhasaabka Minnesota oo Diiday Xeerkii Xuquuqada Darawallada Uber iyo Lyft

0
560

Minneapolis (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz, ayaa awoodda diidmada qayaxan ku diiday inuu sharci ka dhigo xeer ay soo meel mariyeen Labada Aqal ee gobolka, kaas oo difaacayay xuquuqda darawallada gaadiidka dadweynaha ee Uber iyo Lyft, kadib markii shikadahani ay ku hanjabeen inay ka guurayaan gobolka haddii xeerkani uu sharci noqdo.

Walz, ayaa sheegay in darawalladu ay mudan yihiin inay helaan mushahar cadaallada ah iyo shaqo sugan.

“Hindise-sharciyeedkan maaha midka saxda ah ee lagu gaadhi karo yoolkan” ayuu Walz ku yidhi warqadda uu ku diiday xeerkan.

Ururka darawallada ee Mulda, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin go’aanka uu qaatay guddoomiyaha gobolka Minnesota.

Xubnaha Soomaalida ah ee ku jira labada Aqal ee Minnesota, ayaa iyaguna sheegay inay ka xun yihiin diidamada Tim Walz ee hindisahan.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, darawallada ku bahoobay ururka Mulda, ayaa dibadbaxyo ay ku taageereyaan hindisahan ka waday xaafiisyada guddoomiyaha gobolka iyo xarunta labada aqal ee Capital-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here