Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ka Qaybgalay Daah-furka Diiwaangelinta Awdal + SAWIRRO

0
967

Boorama , (HargeisaPress) — Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay daah-furka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo si rasmi ah u bilaabmaysa maalinta Sabtida.

SAY KOMI 2

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Jaamacadda Camuud maanta, taas oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti ka tirsan xisbiga, madaxda labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, madaxda dallada ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF, maamulka iyo ardayda Jaamacadda Camuud iyo marti kale oo badan, waxa lagaga hadlay fulinta hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo muhiimada ay u leedahay Qarankan iyo dadkiisaba.

SAY KOMI 4

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE – Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Md. Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaya wefti u jooga Gobolka Awdal ka qaybqaadashada wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, ayaa hadallo ay ka jeediyeen xafladda waxay kaga hadleen faa’iidada guul laga gaadho hirgelinta diiwaangelintani leedahay, siyaasadda iyo kaalinta xisbiga iyo xukuumaddu ka qaateen, kana leeyihiin arrintan iyo duruufaha ku xeeran ay ka mid tahay abaartu.

SAY KOMI 3

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aan hirgelinta diiwaangelinta looga baqi doonin reer Awdal, waxaannu yidhi, “Arrinta Diiwaangelinta ee aynu joogno maanta, haddaan ku soo koray Boorama oo aan is leeyahay cidi kaama badiso, waxaan u sheegayaa Komishanka iyo reer Somaliland-ba, Awdal ahaan abaartu waxay naga reebto mooyee in aanaan diiwaangelinta waxba kala hadhayn.”

 

Waxa kaloo uu xusay in diiwaangelintani u tahay reer Somaliland garnaqsi ay hordhigaan beesha caalamka ee sifo sharci-darro ah ugu dabartay madaxbannaanideeda dalka Soomaaliya ee aanay ka jirin dawlad weli aan hanan karin ammaanka magaalada Muqdisho oo ay ku ilaaliyaan ciidamo shisheeye, “Qolada beesha caalamka nagama qabato ninka gurigiisii xukumi kariwaayey sagaal sannadood (Soomaaliya) ee intaas oo lacag ahi ku baxayso inuu Somaliland ina yidhaahdo iyagaa idinku matalaya golayaasha caalamka ee Qaramada Midoobay ama Afrikada aannu jaarka nahay, waxaannu leenahay beesha caalamka ma aqbali karno arrintaasi, xaqna nalooguma laha ee waa dulmi lagu hayo Somaliland.”

SAY KOMI 1

“Deeqbixiyayaasha waxaan leeyahay sidaad u dadaashaan ee mar kasta aad noogala hadlaysaan dimuqraadiyaddii meeday? Doorashadu maxay dib ugu dhacday? Waar shan doorasho ayaanu qabsanay oo madaxdu isku beddeshay oo laba madaxweyne ka mid yihiin, waxaannu qabsanay dalka intaa le’eg ee aad diiddan tihiin oo intuu madaxweynihiisii geeriyooday si nabadgalyo ah oo sharci ah uu u beddelay madaxweyne kale, aftidii dastuurka ayaanu hirgashanay oo aad nala yaabanaydeen, waxa horreeyey toban sanno oo dal burbur iyo dagaal ay ku qaaday dawlad cadow ahi oo dadkiisii kala irdhoobay in aannu dib-u-heshiisiin ka soo bilownay tuulo tuulo oo aan kaga dhawaaqnay Burco, kuna soo gabogabaynay shirkii Boorama oo aannu fadhinay shan bilood oo martida ay qabeen reer Boorama oo aannu caalamku waxba inagu taageerin, markaa inta aad dimuqraadiyad ka doodaysaan maxaa diiday Somaliland waxay qabsatay inaad golayaasha caalamka u sheegtaan, dulmiga iyo gardarrada lagu hayo?” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi.

SAY KOMI 7

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sina sheegay in xukuumadda iyo xisbi ahaanba ay ka go’antahay hirgelinta diiwaangelin nadiif ah oo si caddaalad ah loogu kala baxo doorashooyinka ka dhici doona dalka, “Diiwaangelinta in aynu ka wadaqayb qaadanno oo tiro badani ka soo baxdaa Qaran ahaan iyo gobol ahaanba wax qiimo leh ayey inoo tahay, waa mid wax badan kula doodi doono oo guul inoo horseedi doonta Isha Allah, doorashooyinkeenna mustaqbalkana ka qaadan doonta guul wayn.”

SAY KOMI 5

Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sheegay in dawladdu wado dadaal la xidhiidha gurmad lala gaadho dadka abaarta ba’an ee ka jirta dalka, gaar ahaan gobollada Galbeedka saamaysay, isla markaana xukuumaddu bilowday shirar ay la yeelanayso ganacsatada iyo qaybaha bulshada si la isugu tashado iyo qaylo-dhaan mucaawano ay u dirtay beesha caalamka.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here