DHALINYARO MAXAA INOO DAN AH?

0
1082

Dhalinyaro ahaan waxa nasiib daro ah in aynu ku qanacno ninkanaad isku reer tihiin. Manta waxaynu rabna in aynu heeryada duqawday iska ridno sida aynu iskaga ridaynaana maaha reerkiina soo saara iyo doorkan reerkiinu kursiga ha fuulo.

 

waa markaad si xor ah u fikirto oo aad soo jabiso gidaarada lagugu xidhay ee reerkiinu ku idhi gidaarka aanad aqoon Iyo dhalinyaro midna uga gudbi karin ku jir.

 

Manta waa malin aynu gacanteena ku hiil bixi karno ama aynu isku dulmin karno. Waynidu maaha da’da ee waa garaadka iyo aqoonta qofka taasa lagu tilmaami karaa wayni karaamo leh.

 

Dhalinyarnimadu waxay wada taa firfircooni gooniya oo aanu lahayn qofka wayni.

 

Ninka dhalinyarta ahi waa geed qoyan oo aan wali jiridaysan oo kolba talo qaadanaya sida geedka kolba dhinac uu u qaloocdo looga xidho halka qofka wayni uu yahay geed jiridaystay oo tiisa ku socde ah.

 

Qofku markuu dhalinyar yahay sidaad arkaysu arkaya ciilka ku hayaa isagana haya waa nin kula aragtiya.

 

Dhalinyarnimadu inay ka qiimo badantahay qofka wayn waa mid cad oo aan lahayn madmadow.Dhalinyarow waxaan idinkaga tagay aynu hiil tagno oo xaqeena odayaashu ku fadhiyan soo dhacsano gashaanka iyo warankana nin dhalinyaro ah uunba inoo noqon kara.

 

 

 

Abdiqani Mohamed 

abdiqani0gardaf@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here