Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Boorama Kulan Kula Yeeshay Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka

0
696

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku ixgeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftiga uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqo u joogay gobolka Awdal ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay Laamaha Dawladda ee heer Degmo iyo heer Gobol.

Sidoo kale-na qeybaha kala duwan ee Bulshada ayey la kulmeen, iyadoo shalay-na uu madaxweyne ku-xigeenku kulamo la yeeshay maamulka gobolka Awdal iyo ka degmadda Boorama.

Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu waxay Xalay Kulan balaadhan la qaateen dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobolka Awadal, shirkaasi oo ka qabsoomay Hotel Saw ee Magaalada Boorama.

Waxaa lagaga wada hadlay Horumarinta Gobolka iyo sidii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee gobolka.

Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha, Axmed Muumin Seed, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey hannaanka wanaagsan ee ay uga soo qeyb galeen kulanka.

Waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugleh ku lahaato horumarinta Gobolka Awdal maadaama ay yihiin mustaqbalka berrito hoggaamin doona Waddanka.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu ugu danbayntii ka hadlay kulaankaasi ayaa sharraxaad ka bixiyey awooda dhalinyarada, qaabka ay uga faa’idayn karaan qarankooda iyo gobolkooda.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku dhalinyaradii halkaasi joogtay u sheegay in la joogo wakhtigii aqoonta wax loogu tari lahaa guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan gobolka, loona baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugg leh ka qaataan mashaariicda horumarineed iyo midnimada ummadda reer Somaliland.

Dhalinyaradii ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa uga mahad celiyey kulankaasi oo ay sheegeen inuu ahaa mid loo baahnaa ka dhalinyaro ahaana ay markasta danaynayaan kulamada noocaasi ah.

Waxaanay Madaxda ku bogaadiyeen dhiiri-gelinta iyo maamuuska ay maamuuseen, waxaana halkaasi ay ku waydiiyeen su’aalihii ay qabeen dhalinyaradu iyagoo usoo bandhigay qaab aqooni ku dheehan tahay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna mid mid uga jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxaana uu fadhigaasi kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo is afgarad.

DAAWO SAWIRRO DHEERAAD AH:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here