Imtixaanka Shahaadig ah Ee Somaliland Oo Maanta Soo Xidhmay

0
1285

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Imtixaanka shahaadiga ah ee fasaladda afraad ee dugsiga sare iyo sideedaad ee dugsiyadda dhexe ee Somaliland oo 15-kii bishan dalka ka bilaabmay ayaa maanta la  soo gebagabeeyay.

Sida ay shaaciyeen wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland oo ay wehelinayeen wasiir ku-xigeenka waxbarashadda iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka oo maanta warbaahinta kula  hadlay magaaladda Hargaysa.

Waxaanay sheegeen in imtixaanka shahaadiga ah ee fasaladda afraad ee dugsiga sare uu maanta  guud ahaanba dalkoo dhan si nabadd ah uga soo dhamaaday, halka imtixaanka fasaladda 8aad ee dugsiga dhexe uu laba maalmood ka hor soo dhamaaday.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in imtixaanadu ay si wanaagsan oo aan wax turxaana lahayn ay ku soo dhamaadeen, isla markaana aanay jirin wax dhibaato intii imtixaanaadku ay socdeen.

Daa’uud Axmed Faarax, oo ka warbixinayay imtixaanadda soo dhamaaday waxa uu yidhi  “Waxaynu soo marnay lix maalmood oo shaqo adag ahayd. Marka aan warbixin guud idinka siiyo dalkoo dhan haba yaraatee wax mushkilad ah oo ka dhacay ma jiro.

Laba maalmood ka hor waxaa soo xidhmay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe, ee fasalka 8aad oo dalkoo dhan ahaa.

Waanu ku soo wada xerooday xafiiska imtixaanaadka, oo sanduuqyadii goboladda dalka xarunta imtixaanaadka guud ee qaranka ayay ku wada xeraysan yihiin. Waxaa ILLAAHAY SWT mahadii ah hal sanduuq iyo hal imtixaan oo inaga maqani ma jiro”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Maanta-na gelinka danbe imtixaanka dugsiga sare inta caasimadda Hargaysa way soo wada xeroonayaan.

Imtixaanka xeerkiisu waxa weeyi  in marka uu dhamaado meel kastoo uu joogo, ka Buraan jooga iyo ka Lawyocade jooga isku mar ayay soo wada dhaqaaqayaan, ilaa caawa ayaanay Hargaysa soo gelayaan. Kuwa ugu danbeeyaa-na beri ayay soo gelayaan Hargaysa”ayuu yidhi Daa’uud.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan, yaa isna tilmaamay in ay u dedaal degayaan in maanta imtixaanaadkii shahaadiga ahaa guul ku soo dhamaaday dalkoo dhan.

Waxaanu yidhi “Dabaal deg ayay noo tahay ka wasaarad ahaan iyo ardayda imtixaanku u soo dhamaaday-ba.

Waxaana soo gebageboobay maanta oo ay taaariikhdu tahay 20-ka bisha June, waxaa gebi ahaanba dalkoo dhan ka soo dhamaaday imtixaanadii shahaadiga ahaa, oo bilaabmay 15-kii bishan.

Guul ayaanay ku soo gebagaboobeen, wadankoo dhan min Bari ilaa Galbeed, si guul leh oo inaba aan lahayn wax turxaan ah ama dhibaato aan lahayn, ayay imtixaanadaasi ku soo dhamaadeen”.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Maxamed Daahir Axmed,   ayaa isna u mahad celiyay waalidiinta dhalay ardayda imtixaanku maanta u soo dhamaaday, kuwaasoo uu sheegay in ay sanadkan si wanaagsan ugala shaqeeyaan la dagaalanka Qishka ama eegashadda imtixaanka.

Tiradda guud ee ardayda sanadkan imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisatay ayaa dhamayd 30 kun oo arday, oo isugu jira fasaladda afraad ee dugsiga sare iyo fasalka 8aad ee dhexe.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here