Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Ka Qayb galay Qalin Jabinta Jaamacadda Eelo Ee Boorama

0
1401

Hargeysa (HargeisaPress)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha wasiiradda masuuliyiinta Gobolka Awdal iyo ka Degmada Boorama ayaa ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Dufacdii 10-aad ee ka aflaxda Jaamacadda Eelo oo ay dhamaysteen 356-arday.

Guddoomiyaha Jaamacadda Eelo Maxamud Xuseen Cige, oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda oo la aas-aasay 2007-adii ay ka aflaxeen arday aad u badan, isaga oo intaas ku daray in ay sannadkan cusub ku soo kordhiyeen Jaamacadda Kuliyadaha Beeraha iyo Computer-ka.

Sidoo kale, guddoomiyaha Boodhka Jaamacadda Sheekh Siciid Saaweer iyo qaar ka mid ah waalidiintii qalin jabitaas ka qaybgalay ayaa ardayda iyo masuuliyiinta Jaamacadda ku bogaadiyay dedaalkii ay sameeyeen.

 

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay gaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Abokor Maxamed, agaasimaha Tacliinta Sare Axmed Muuse Muriid, oo ardayda kula dardaarmay in ay dedaalka waxbarasho halkaasi ka sii wadaan.

Dhankoodana maayirka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal  Cawaale Faarax, oo xafladdaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ardaydii Jaamacadda Eelo ka qalin jebiyay ay aqoontoodu wax badan ku soo kordhisay gobolka, waxayna u mahadnaqeen masuuliyiinta Jaamacadda iyo Ardayda Qalin jebisay, iyaga oo ardayda ku dardaarmay in ay aqoonta ay barteen uga faa’iideeyaan bulshadooda.

Geesta kale, wasiirrada wasaaradaha horumarinta caafimaadka Cumar Cali C/laahi, dhalinyarada iyo ciyaaraha Boos Mire Maxamed Cadaaladda iyo arriamah garsoorka Mustafe Maxamuud Cali, wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur, oo dhamaantood halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadaha ka jira Boorama ay wax wayen ka bedeleen Aqoonta gobolka, iyaga oo hambalyeeyey aradayda qalin jabisay isla markaana kula darddarmay in ay hal-abuuraan la yimaadaan maadaama oo ay waxbarteen.

geestiisana waxa xafladaas qalin jabinta ah ka hadlay madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo ardayda iyo walidiinta ku soo tacabtayba hambalyo u diray isaga oo ka waramay horumarka gobolku uu ka gaadhay    dhanka waxbarashada iyo Jaamacadaha waxaanu xusay in wax kasta oo la bilaabo lana joogteeyo horumar laga gaadho, taas oo uu tusaale u soo qaatay Jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama.

Gebogabedii Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa shahaadooyin gudoon siiyey Ardayaddii ugu saraysay Jaamacadda oo lagu magacaabo Luul Cumar Ibraahin iyo Askari ka tirsan ilaalada Madaxtooyadda oo ka mid ahaa ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda Eelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here