Wasaarada Waxbarshada oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Habsami U Socodka Shaqada Waxbarashada iyo Qiimaynta Hirgelinta Habraaca Xanuunka COVID-19

0
1032

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta Kullan hawleed hal maalin ah ku qabatay magaalada Hargeysa.

Kulan hawleedkan ayaa waxaa hagayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Maxamed Diiriye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Axmed Abokor Maxamed.

 

Shirka ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay Agaasime Waaxeedyada, Agaasime Waaxeed kuxigeenada, iyo Madaxqeybeedyada iyo La-taliyayaasha Wasaaradda Waxbarashada iyo madaxda xafiiska imtixaanaadka qaranka.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyey dib u eegis lagu sameeyo habsami u socodka shaqada waxbarashada iyo qiimaynta hirgelinta Habraaca xanuunta COVID-19, maadaama dugsiyada dalka dib loo furay.

Waxaa kale oo lagu falanqeeyey, nidaamka loo bixinayo deeqaha waxbarashada heer Jaamacadeed ee ardayda danyarta ah.

Sidoo kale, waxa lagu soo bandhigay Qorshaha Degsiimooyinka dalka kuwa leh goobo waxbarasho, kuwa u baahan in laga dhiso goobo waxbarasho iyo nidaamka diiwaangelinta illaalinta hantida waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarshada waxaa ka go’an in dhammaan muwaadiniinta Somaliland ay helayaan waxbarsho tayo leh oo ku haboon hab nololeedkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here