Madaxweyne Ku Xigeenka DDS oo Loo Doortay Gudoomiyaha Golaha Sare Ee Federalka Itoobiya

0
1137

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku Xigeenka Dawladd Deegaanka Soomaalida, mudane Aadan Faarax ayaa waxaa maanta loo doortay gudoomiyaha Golaha Sare ee Federaalka Itoobiya.

Xilkan loo doortay Mr. Aadan Faarax ayay dhawaan iska casishay haweenay la yidhaa Qeeriya Ibraahim oo sababta is-casilaadeeda ku sheegtay inay saluugtay siyaasadda Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Dhinaca kale, Aqalka Sare ee Baarlamanka Ethiopia ayaa Muddo kordhin xileed u Sameeyay xukuumadda iyo golaha shacabka ee Federaalka Ethiopia, waxaa sidoo kale xilka loo kordhiyay dhammaan Baarlamaanada iyo Xukuumadaha ka taliya ismaamulada ka jira dalka Ethiopia oo dhan.


Xubnaha Golaha Sare ayaa u codeeyay in goleyaashaasi ay xilka sii hayaan inta la qabanayo doorashooyinka soo socda oo qorshaysan inay qabsoomaan 9 ilaa 12 bilood gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here