Sheekh Shariif oo Ugu Baaqay Abiy Ahmed In Uu Faraha Kala Baxo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
1772

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin ku aadan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya u diray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sheekh Shariif ayaa Itoobiya ugu baaqay in ay faraha kala baxdo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay xaalada Soomaaliya ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed inuu faraha kala baxo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Abiy Ahmed uu doonayo inuu maamulo Somaliland, sidoo kalena ciidamo uu geeyo gobolka Gedo ee Jubbaland, wuxuuna intaasi ku daray in arrintaasi ayna aheyn wax fiican oo la filayey, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga waxaa aaminsanahay nin Meles Zenawi ka xoog badan oo soo xukumay Itoobiya ma imaanayo, Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya aniga waa is lahaa markii uu meesha yimid heshiis dhici doona, waxaas fileynay, wax kalena waa la sheegaa, laakiin mugdiga jira in la bixiyo rabnaa, Abiy Ahmed haddii uu rabo inuu Somaliland maamulo, Jubbaland iyo Gedo uu ciidamo geeyo, halkanna uu maamulo wax fiican maaha.

Madaxweyne Muuse Biixi kaligaa haddaad keeni karto waa howl kale noo sheeg, Muuse iyo dadka reer Somaliland waan isku fiicannahay oo xidhiidh ayaan leenahay, waana Soomaali waxa isku dirirnay anaga naqaan, markaanu kuu baahano annagaa ku yeedheynaa.” ayuu yidhi Sheekh Shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here