Ergooyin Nabadeed oo Ka Socda Buuhoodle iyo Laascaanood oo Gaadhay Deegaanka Ceegaag

0
2118

Ceegaag (Hargeisa Press)- Ergooyin ka kala yimid gobollada Sool iyo Buuhoodle ayaa waxaa ay maanta gaadheeb deegaanka Ceegaag ee gobolka Saraar.

Waxaa ergooyinkan hogaaminayay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, iyo boqor Axmed Cabdilaahi Cali, iyagoona halkaasi u tagay sidii ay u soo afjari lahaayeen shaqaaqo soo noqnoqtay oo deegaankaas ka dhacaday.

Weftigaas oo ka koobnaa garaado, boqoro, Isamo iyo waxgarad kale, waxa deegaankaas ku soo dhaweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland, maamulka degmada Ceegaag, madax-dhaqameed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ergadan ayaa shir la qaatay masuuliyiin uu hogaaminayo agaasimaha diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdalle iyo maamulka degamada Ceegaag, ugu horayna waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha degmada Ceegaag Axmed Ciise Cawil, oo halkaas ka jeediyey hadalo soo dhaweyn ah isla markaana rajo weyn ka muujiyey in ay hawlaha nabadayntu si wanaagsan ugu dhamaan doonaan.

Dhankoodana waxa halkaas ka hadlay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, boqor Axmed Cabdilaahi Cali, waxgarad, cuqaal, iyo masuuliyiin kale, iyaga oo sheegay in ay degmada Ceegaag iyo deegaanada hoos taga u yimaadeen sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqooyin ka dhacay isla markaana nabad buuxda oo taama looga dhex dhalin lahaa beelaha walaalaha ah ee deegaanadaas wada dega, iyaga oo intaas ku daray in ay ujeedada kaliya ee ay halkaas u joogaan ay tahay sulux iyo wanaag halkaas ka dhasha, waxayna waxgaradka iyo dadka deegaankaas u soo jeediyeen in ay ka shaqeeyaan nabada iyo wada noolaanshaha bulshada deegaankaas ku dhaqan.

Geesta kale, waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdalle, oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay xilweyn iska saartay daminta iyo xalinta shaqaaqada deegaankaas ka dhacday, isaga oo intaas raaciyey in ay wali ka shaqaynayaan ciidamada qaranka ee deegaankaas ku sugani ilaalinta nabadgalyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here