Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya

0
705

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Salaaso ah 01-da, Oktoobar 2019.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here