Madaxweyne Biixi oo Qaabilay Wufuud Ka Socota Dalalka Itoobiya iyo Guinea

0
1688

Berbera (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wufuud kala duwan oo ka qaybgalaysa furitaanka wejiga koowaad ee ballaadhinta Dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu la kulmay wefti ballaadhan oo uu hoggaamainayo wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka Gaadiidka Dagmawit Moges Bekele iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu qaabilay ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminaayo  oo ka soo qaybgalay munaasibada furitaanka Dekeda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland oo maalintii labaad ku sugan Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera ayaa gelinka dambe ee maanta si ramsiya xadhiga uga jari doonta wajiga koowaad ee ballaadhinta dekada Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here