17 Askari oo Kenyan Ah oo Ku Dhintay Diyaarad Soo Dhacday

0
646

Nairobi (Hargeisa Press) – Diyaarad ay leeyihiin Millateriga Kenya, ayaa maanta ku dhacday deegaanka Eremet ee Oltinga, Kajiado West, xili ay ku jirtay howl-gal tobabar, sida uu baahiyay Wargeyska The Standard.

Wargeyska, ayaa ku soo waramaya in diyaaradaas ay saarnayeen ugu yaraan 23 qof, waxaana la arkayay marka ay soo dhaceysay iyada oo aad u holcaysa.

Diyaarada oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Kenya, ayaa waxaa la soo warinaya inay ku dhinteen 17 kamid ah Askartii saarnayd.

Sidoo kale, Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran, ayaa laga soo bad-baadiyay goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi.

Ciidamada Difaaca Kenya, ayaa dhankooda iyaguna xaqiijiyay dhimashada in la diiwaan-geliyay shilkii subaxnimadii, in kasta oo aan la helin tiro cayiman oo khasaarooyin ah oo ay soo gudbisay afhayeenka ciidamada, Zipporah Kioko.

Diyaarada oo ahayd nooca Helicopter-ka, ayaa ilaa hadda la garaneyn sababta keentay inay soo dhacdo xili ay ku jirtay howl-gal tobabar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here