Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Xubno Diyaarinaya Heshiiska Dhexmari-Doona Somaliland iyo Itoobiya

0
1839

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu magacaabay xubno masuuliyiin ah oo diyaarinaya heshiiska rasmiya ah ee dhexmari doona Somaliland iyo Itoobiya, Sida ay ilo wareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Shabakada HargeisaPress.

Xubnahan uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 8 xubnood, iyagoona masuuliyiintani noqon doona guddi farsamo.

Ilo wareedyada, ayaa sheegay in Amb Baashe Cawil Cumar, loo magacabay guddoomiyaha guddida halka ku-xigeena loo magacabay Ambasador Bashiir Good oo ah Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Xubnaha kale ee aan magacyadooda helnay, ayaa waxa ka mid ah

Maxamed Cismaan Fadal

Ibraahim Cali Yuusuf

Maxamed Axmed Askar

Cabdilaahi Daahir Nuur

Garyaqaanad Amal Cabdilaahi Cawil Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here