Xildhibaan Guruuje: “Somaliland iyo Soomaaliya Waxay Ku-kala Bixi-karaan Xabad iyo Budh

0
1165

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa sii kordheysa falcelinta ka dhalatay war shalay ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland oo la xidhiidhay khilaafka Hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid, ayaa shalay sheegay in Dowladda Muqdisho ay masuul ka noqon doonto wixii ka dhasha talaaboyin ay Somaliland uga falcelineyso diyaarada laga celiyay hawada oo ku socday Hargeysa.

Hadaba, Xildhibaan Axmed Yuusuf Guruuje oo xubin ka ah Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland in uu ka shaqeeyo siddii ay u xidhmi lahayd hawada Soomaaliya.

Xildhibaan Guruuje, ayaa ku hanjabay in labada dhinac ay ku kala bixi karaan ‘xabad iyo budh, iyo maxkamad Caalami ah’ oo keli ah.

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xalay baaq ay soo saartay ku sheegtay in ayna jirin wax-iska-bedelay hanaanka maamulka hawada.

Hadalkaas oo dabo-socday baaqii Somaliland, si toos ah loogu ma sheegin in loogu jawaabayo Somaliland iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here