Madaxweyne Biixi Oo Kormeeray Saldhigga Dhexe iyo Taliska Qaybta Booliska Awdal

0
398

Boorama (Hargeisa Press): Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa maanta kormeeray saldhigga dhexe iyo taliska qaybta booliska ee degmada Boorama.


Waxaanu goobahaasi kulan is xog waraysi ah kula yeeshay hoggaanka ciidanka Booliska, madaxda gobolka iyo kuwa degmada.
Madaxweynaha ayaa u kuur-galay xaaladda guud ee saldhiga booliska Boorama iyo maxaabista ku xidhan saldhigaasi.

Muuse Biixi Cabdi, oo ay kormeerkaasi ku wehelinayeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada oo weftigiisa ka mid ah, ayaa madaxda gobolka iyo kuwa degmada Boorama u qaabilsan xukuumadda iyo haayadaha xagga amniga.


Waxaanu madaxweynuhu masuuliyiintaasi ka dhegaystay warbixino la xidhiidha xaaladda guud ee amniga.
Madaxweynaha ayaa saraakiishii iyo madaxdii xarumaha uu kormeerka ku soo karay uga mahad naqay sida habsamida leh ee ay hawshooda qaran u wataan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya ayaa shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Boorama kula tukaday salaadii Jimcaha Masaajidka Abu-hurayra ee badhtamaha magaalada Boorama.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here