Sool: Go’aamo Laga Soo Saaray Khilaaf U Dhexeeyay Laba Shirkadood

0
576

Laascaanood (Hargeisa Press)- Guddiga nabad geliyadda ee gobolka Sool ayaa go’aamo ka soo saaray khilaaf soo kala dhex galay shirkadaha Qaadka keena magaaladda Laascaanood.

Kadib markii ay dhawaan shaqaaqo gacan ka hadal gaadhay dhex martay shirkadaha Qaadka keenna magaaladda Laaacaanood.

Khilaafkaasi ayaa u dhexeeyay ganacsatadda labadda shirkadood ee kala ah Alla-wakiil iyo Alla Aamin 571, oo midna Qaadka Laascaanood uga keento Kenya, mida kalena dhinaca dalka Ethiopia.

Heshiiskan ay guddiga nabad-geliyadda Sool ka soo saareen shaqaaqadii dhawaan garroonka diyaaradaha magaaladda Laascaanood ku dhex martay labadan shirkadood ayaa la xidhiidhay kala riixashadda suuqa, iyo soo dejinta Qaadka ee maalmaha ay ku kaltamayaan, kuwaasoo dhawaan isku khilaafay arrintaasi.

Kadib muddo afar maalmood ah oo guddiga nabad-geliyadda Sool oo uu hogaaminayay badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ay ku hawlanaayeen soo af-jaridda muranka shirkadahaasi ayaa Khamiistii shalay waxay ka soo saareen go’aamo la iskula qaatay jadwalka maalmaha ay labadan shirkadood mid waliba Qaadka keenayso magaaladda Laascaanood.

Labadan shirkadood ee la heshiisiiyay oo kala ah Al-wakill, oo iyadu Qaadka loo yaqaano Miirowga ka keenta dalka Kenya, iyo shirkadda Alla Aamin 571 oo iyadna Qaadka ka soo waarida dhinaca dalka Ethiopia.

Kulankii shaacinta go’aamadda lagu heshiisiiyay labadan shirkadood oo ka qabsoomay xafiiska badhasaabka Sool, waxaa goob jòog ka ahaa badhasaabka Sool, maayarka Laascaanood, madax dhaqameed uu ka mid ahaa garraad C/qani garraad Jaamac, xubnaha guddiga nabad-geliyadda Sool, iyo wakiiladda labadda shirkadood ee Alla Aamin 571, iyo Alla-wakiil.

Go’aamadaasi waxaa warbaahinta u akhriyay badhasaabka Sool ahna guddoomiyaha gudiga nabad-geliyadda C/kariin Aadan Xaaji Diiriye.

Waxaanu yidhi, “Anagu ka dawlad ahaan, haddii aanu nahay guddiga nabad-geliyadda ee gobolka Sool, waxaanu gaadhnay go’aan ah, in aanu u qaybino labadaa shirkadood sidii ay ula soo kala degi lahaayeen Qaadka, ee ay ku iman lahaayeen diyaaraduhu garroonka magaaladda Laascaanood.

Go’aankaasi oo ah 16 maalmood oo ay keenayso shirkadda Alla-wakiil, iyo 14 maalmood oo aanu siimay shirkadda Allaa Aamin 571”.

Badhasaabku waxa kaloo uu sheegay in kadib markii ay guddi nabad-geliyo ahaan go’aamadaasi soo saareen in hadana maamulka labada shirkadood ay iyagu dhexdoodda dib isugu noqdeen, isla markaana ay isla qaateen heshiis ay ku midayaan yihiin oo ah in si siman ay maalmaha keenista qaadka u qaybsadaan.

“Kadib markii aanu guddi gobol ahaan go’aamadaasi soo saarnay, ayaa ganacsatadda Qaadka ee labada shirkadood ee Alla Aamin 571 iyo Alla Wakiil, ayay iyagu dhexdoodda dib isugu noqdeen. Waxaanay noo keeneen heshiis ay ku midaysan yihiin oo ay ku qaybsadeen maalmaha ay Qaadka keenayaan, iyagoona isla qaatay in shirkad waliba ay 15 maalmood keento” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale C/kariin Aafan Xaaji Diiriye, ayaa ganacsatadda Qaadka uga mahad celiyay heshiiskaasi danbe ee ay iyagu dhexdooda isla qaateen, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here