Madaxweyne Biixi iyo Hoggamiyeyaasha Mucaaradka oo Berri Is-hor Fadhiisanaya

0
2530

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka, ayaa la filayaa inay maalinta Berri Is-horfadhiistaan isla markaana ka wada-hadlaan khilaafka siyaasiga ah ee khuseeya Arrimaha Doorashooyinka.

Kulan maanta madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Ergada isu-xilqaantay Dhex-dhexaadinta iyo soo-afjaridda khilaafka siyaasiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa laga soo saaray qodobbo ibo-fur u ah wada-xaajoodka mucaaradka iyo xukuuumadda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, kulanka ayaa lagu go’aamiyey in xoriyaddooda loo soo celiyo xubnaha mucaaridka ee xidhan iyadoo loo marayo nidaamka sharci ee dalka.

Waxa kale oo kulanka lagu go’aamiyey in Ergada Dhex-dhexaadinta labada dhinac oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ay Arbacada Berri isa soo hordhiisiyaan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayeen xubnaha qaranka ugu sarreeya oo ay kamid yihiin madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa isku khilaafsan furista ururrada siyaasadda oo labada xisbi mucaarad ka soo horjeedaan halka wakhtiga qabsoomidda doorashada Madaxtooyada oo ku muddeysan Bisha November ee sannadkan ay labada dhinacba isla oggol yihiin, balse laysku diiddan yahay cidda ka qayb-galaysa Doorashadaas.

Xukuumadda, ayaa ku doodaysa in Doorashada madaxtooyada ka qayb-gali doonaan Saddexda Xisbi ee ka soo baxa tartanka ururrada siyaasadda, balse Xisbiyada Mucaaradku ku adkaysanayaan inay doorashadaas ka qayb-gali doonaan saddexda xisbi ee jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here