Madaxweynaha waxay doodiisu ahayd inuu sharciga u raacayo arrimaha la isku hayo

0
987

Madaxweyne Daahir Rayaale waxaa uu ahaa kali oo lamay joogin xubno golahiisa wasiiradda ah iyo xubno ka socday xisbigiisii UDUB. Intii kulanku socday ee dooda lagu jirayna waxaan ka dhex fahmay in madaxweynaha si dadban looga codsado in aanay kulanka ka soo qayb galin cid kale oo dhinaciisa ka socotaa.
Madaxweynaha waxaa ka muuqday diyaar garaw xoogan, kalsooni iyo inuu ku soo talo galay inuu gudidda ka qanciyo arrimahan oo dhan. Xusuustayda, waxaan filayaa inuu madaxweynaha agtiisa yaalay nuqul ka mid ah dastuurka JSL.
Madaxweynuhu wuxuu bilaabay hadalkiisa, nuxurka doodiidusa waxay ahayd inuu sharciga iyo xeerarka dalka u raacayo arrimahan la isku hayo. Tusaale ahaan, shir gudoonka golaha wakiiladdu waxay diidanaayeen in xubnaha guddidda doorashooyinka ee aan la ansixin aan lagu soo celin golaha ee la soo badalo. Madaxweyne Rayaalena wuxuu doonayey in la soo celiyo oo goluhu mar labaad codka kalsoonidda ah u qaado.
Arrinta miisaaniyadda, madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in sanadkiiba dhamaad ku dhaw yahay sidaas darteedna aynu suurtagal ahayn in la wada fuliyo isbedelka iyo goaanka golaha wakiiladda.
Arrinta xiisaha lahayd waxay ahayd in madaxweynuhu nala wadaagay oo na siiyey xog cusub oo ku saabsan xudunta khilaafka iyo dhinacyadda muhiimka ah ee xalkiisa qayb ka noqon kara. Hadaladdii madaxweynuhu nagu yidhi waxaa ka mid ahaa, ” Soo celinta xubnahan waxaa qayb wayn ku leh hebel ee u taga oo intii uu ku lahaa ha idinla xaliyo”. Magaca hebelkaas uu  madaxweynuhu carabaabay halkan ku sheegi mayno laakiin waa siyaasi weyn oo caan ah ka ah Somaliland. Waxaa xusid mudan in xubno guddida ka mid ahi ay la kulmeen xubintii uu madaxweynuhu sheegay inuu kaalin weyn ku lahaa khilaafka, wuxuuna qirtay inuu qayb ka ahaa murugii khilaafka isaga oo waliba faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sababtii uu sidaa u yeelay. 
Xogtan uu madaxweynuhu bixiyey waxay inay tusaysaa in mararka qaar khilaafku u dhexeeyo dhinacyo aan muuqan oo cida dhex dhexaadinta wadaana ilduufi karaan. Waxaa kale oo ay ina tusi kartaa inuu jiri karo arrimo aan miiska la keenayn laakiin ah arrimaha dhabta ah ee dhinacyadu isku hayaan.
Xubnaha la soo celiyey waxaan filayaa inay ahaayeen laba xubnood oo guurtiddu soo magacaabeen. Intii aanu hawsha ku jirnayna waxaanu ogaanay in xubno ka mid ah shirgudoonka  golaha guurtiddu kala shaqeeyeen golaha wakiiladda soocelinta iyo diidmadda xubnahaas iyaga oo ku doodayey in golaha guurtiddu aanu u dhamayn xubnahaas. Faahfaahinta qodobkaasi halkaas u dhaafi mayno oo waxaa ku jira waxyaabo aan warbaahinta lala wadaagi karin.
Madaxweynaha waxaa hadalkiisa aad ugu badnaa ilaalinta sharciga iyo dhawrista xeerarka dalka. Prof Mohamed Saeed Gees ayaa markasta madaxweynaha xusuusinayey marxaladihii uu dalku soo maray iyo in aan fulinta sharciga oo kali ah dalka lagu maamulin. Prof Gees wuxuu habeenkaas ka sheekeeyey dhacdooyin dhawr ah oo wakhtigii madaxweyne Cigaal dhacay oo Rayaale iyo Geesba ay goob joog ka ahaayeen oo lagu xaliyey hab siyaasi ah iyo isku tanaasul. Prof Gees iyo xubnaha kale ee guddiduba waxay madaxweynaha dhawr jeer u tilmaameen in wakhtiga lagu jiro aan markasta fulinta iyo ku dhaqanka sharcigu xal waara keeni  karin ee odayeynta iyo isku tanaasulku keeni karo xal lagu qanco.
Inkasta oo ixtiraam iyo qadarin la isku hayey, hadana waxaa loo wada hadlayey si runta la isku sheegayo oo aan waxba la kala qarsanayn. Mararka qaar hadalo iyo dood kulul ayaa dhexmarayey Boobe Yuusuf Ducaale ,Abwaan Gaariye iyo madaxweyne Rayaale.
Hadaladdii la is waydaarsaday waxaa ka mid ahaa….

W/Q: Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo)…

La soco qaybta 3aad iyo  gabo gabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here