C/rasaaq Khaliif Oo Ka Hadlay Muranka Madaxweyne Biixi iyo Mucaaradka

0
646

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka hadlay xalinta khilaafka xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah.
C/rasaaq Khaliif, oo isaga iyo guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hawshaasi dhex-dhexaadinta ku hawlanaa.
Waxaanu sheegay guddoomiyaha golaha Wakiiladu in arrintaasi ay markii hore ka shaqeeyeen in ay isku soo dhaweeyaan labadda dhinac.
Hase yeeshee, markii ay danbe ay qolo waliba meel adag iska taagtay arrintaasi xalinta muranka u dhexeeya madaxweyen Biixi, iyo labada xisbi mucaarad.
C/rasaaq Khaliif, waxa kaloo uu sheegay in arrinta uu madaxweynuhu ka is taagay dhinaca sharciga iyo waxa uu ka qabo furista ururadda siyaasadda iyo qabashadda doorashada madaxtooya.
Halka hogaanka labada xisbi mucaaradna ay ku adkaysteen in doodoodda ay qabaan ay kalsooni ku siiyeen ergada dhex dhexaadintu in ay ka gar naqdo.

DAAWO: Guddoomiyaha Wakiiladda Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here