Madaxweynaha Somaliland oo Tacsiyeeyay Qoys Ku Dhintay Guri Ku Dumay

0
796

Hargeisa (Hargeisa Press) -Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u diray Shacabka Somaliland iyo Ehelada ay ka Geeriyoodeen Qoys ku Dhintay Guri ku dumay oo ka kooban Afar Qof oo kala ahaan Aaro iyo Hooyo Laba Carruura ah oo ay dhaleen.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha oo soo gaadhay Shabakada Hargeisa Press ayaa u qornaa sidan:-

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ahΒ Marxuum Faysal Aadan Cabdi DiiriyeΒ oo ah Β aabbaha qoyska iyo xaaskiisaΒ Marxuuma Hinda Aw AxmedΒ oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here