Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya + SAWIRRO

0
963

Addis Ababa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan Itoobiya, ayaa la kulmay Ra’iisal-wasaaradaha dalkaasi Mudane, Hailemariam Desalegn.

 

Kulankaas oo Madaxweynaha Somaliland ay ku wehelinayeen xubno ka mid ah weftigiisa oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxay labada hoggaamiyeen kaga wadahadleen arrimo muhiim ah.

ITOOBIYA SOMA

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Dayr oo lagu faahfaahiyey wadahadalka kulankaasi waxa uu u dhignaa sidan;

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa 29. 10.2016 kulan la qaatay Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka qotada dheer leh ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo Khuseeya danaha labada dal. Labada hoggaamiye waxay kulankan is weydaarsadeen aragti iyo araah la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa loona wanaajin lahaa iskaashiga xagga Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

kulan

Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen tayaynta iyo dar-dargelinta jidadka labada dal isu xidha iyo weliba horumarinta iyo casriyeynta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, arrintanina ay labada dalba faa’ido ugu jirto; gaar ahaan dalka Itoobiya oo ay ka go’an tahay in Dekeda Berbera ay uga faa’iidaysato horumarinta iyo koboca dhaqaaleheeda iyo Xidhiidhka Ganacsi ee ay Ethiopia la leedahay Caalamka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here