Madaxweynaha Somaliland Oo Buurta Carafa Hambalyo Uga Soo Diray Dadweynaha

0
641

Makka (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan buurta Carafa kuna guddo jira gudashadda waajibaadka Xajka ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray guud ahaanba shacan weynaha Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ALLE uga baryay guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana dadka Somaliland in uu nabad qab, barwaaqo iyo wanaag ku gaadhsiiyo ciida ciideedda.

Isagoo madaxweyne Biixi ka mida muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka kuna sugan dalka Sucuudiga gaar ahaana buurta Carafa oo ay muslimiintu ku gudanayaan Xajka sanadkan.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland waxa uu ALLE SWT dadka bukaanka ah uga baryay in uu caafimaad qabsiiyo, halka uu kuwii dhintayna ALLE uga baryay in uu janadii ka waraabiyo.

Halkan Ka Daawo Hambalyadda Madaxweynaha Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here