Hargaysa: Mdaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Dadweynaha La Tukaday Salaadii Ciidda

0
577

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshadda reer Somaliland in ay ilaashadaan wada jirka iyo midnimadoodda.

Waxaanu ku booriyay madaxweyne ku-xigeenku in ay  ka fogaadaan qabyaaladda iyo wax kastoo kala faquuqaya dadka, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen horumarkoodda.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu sidan ka sheegay  khudbad u jeediyay kadib tukashadii salaadda Ciidul Adxa ee maanta oo uu boqolaal dadweyne ah kula tukaday masjid jaamaca magaaladda Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa tukashadii salaadda ku wehelinayay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, maayarka caasimadda Hargaysa, siyaasiyiin, agaasimeyaal guud, masuuliyiin hore iyo kumanaan dadweynaha caasimadda Hargaysa ah.

Ku simaha madaxweynaha oo halkaasi khudbad uga jeediyay dadweynihii uu la tukaday ayaa ALLE uga baryay in uu ciidan ciideedda caafimaad qab iyo nabadgeliyo ku gaadhsiiyo sanadka sanadkiisa.

Dhinaca kale kadib markii la soo tukaday labaddii rakcadood ee salaadda Ciidul Adxa ayaa madaxweyne ku-xgeenka Somaliland waxa uu xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa ku qaabilay boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray waayeel, masuuliyiin, siyaasiyiin, caruur iyo dhalinyaro.

Kuwaasoo booqasho  iyo salaam ugu tegay madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland.

Daawo Sawirro:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here