Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacabka Iyo Ciidankaba Ka Tacsiyayey Geerida ku Timid Abbaanduulihii Hore Ee Ciidanka Qaranka Somaliland

0
1256

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u  dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay hogaamiye ciidan oo door muhiima ku lahaa, dib u dhiska iyo qaramaynta ciidamada Qaranka, intii uu ahaa Abbaanduulaha Ciidankana uu ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo dedaal ciidanimo.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Ciidanka Qaranka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtiina uuka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha  JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here