Maayirka Hargeysa oo ku Dhawaaqay Olole ay ka Bilaabayaan Degmooyinka Caasimadda Maalinta Isniinta

0
960
Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)

Maayir Cabdiraxmaan Solteco oo digniin u diray dadka leh gaadiidka dhexyaal waddada 150-ka iyo xoolaha lagu soo daayo gudaha Caasimadda Hargeysa

Hargeysa,(HargeisaPress) —Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan olole lagu bannaynayo waddada 150-ka, isla markaana waxa uu digniin u diray dadka masuulka ka ah gaadiidka kala duwan ee dhexayaal jidkaas.

Maayirka Hargeysa oo kulan la qaatay guddoomiyeyaasha Degmooyinka Caasimaddu ka kooban tahay maanta, waxa uu sheegay inay ololahooda bilaabayaan subaxnimada hore ee maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 15 April 2019, taasoo sidoo kale ku beegan xuska maalinta dhiraynta iyo ilaalinta degaanka ee uu Madaxweyne Muuse Biixi hore ugu asteeyey in sannad walba laga xuso dalka Somaliland.

Md. Cabdiraxmaan Solteco oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay, ayaa soo bandhigay qodobbada kala duwan ee ka soo baxay kulanka uu la qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Qodobbada ugu muhiimsan ee aannu isla qaadanay waxa weeye;

  1. In la bilaamo dhirayntii, maadaama ay 15 bishan tahay maalintii loo asteeyey maalinta dhiraynta. Markaa lix kun oo geed (6000 geed) oo afar kun oo ka mid ah dhirtaas ay qaadanayaan degmooyinka Caasimaddu, dadweynahana annu ka codsanayno inay dhirtaas ka qaataan degmooda, ciddii ka qaadatana lagula xisaabtamayo geedka ay qaataanba sida ay u beeraan iyo sida ay u dhammaystiri lahaayeen. Labada kun ee geed ee soo hadhayna loogu talogalay dugsiyada waxbarashada iyo meelaha danta guud ah ee ay Dowladda Hoose masuulka ka tahay in lagu beero. Marka waxa aannu leenahay shacbiga, si fiican ha looga qaybqaato dhir-beeristaas.
  2. Qodobka labaad waxa weeye ololaha nadaafadeed iyo gaadiidka dhexyaal waddada 150-ka, iyadoo hore loogu soo qaaday ballanqaad oo intaas oo jeer ballanqaadyo loo sameeyey, waxaanna weeye in maalinta Isniinta ee ay taariikhdu tahay 15 April 2019, maadaama waddadaasna la samaynayo in maalintaas laga dhigo ololaha bannaynta jidka 150-ka iyo dhiraynta, gaadhi kasta oo yaalayna la gannaaxo, lagana qaado. Maalinta Isniinta ah baabuurta halkaas (waddada 150-ka) loogu yimaado waxa loo aqoonsanayaa inuu yahay gaadhi ay dadkii lahaa ugu talogaleen in iskaraab ahaan loo qaado, maaadaama oo muddo 3 bilood ah ololahaas kolba dib loo dhigayey, dadkana lagu ogaysiinayey inay gaadiidka ka qaataan meesha, markaa gaadhi kasta oo yaal, looguna yimaado subaxnimada hore ee maalinta Isniinta, saacaddu marka ay tahay 5:00am, dowladda hoose waxay u aqoonsanaynaa inuu yahay gaadhi iskaraab ah oo qofkii lahaa ugu talogalay in dowladda hoose meesha ka qaado.
  3. Qodobka saddexaad waxa weeyaan in maalintaas dhir-beerista ee 15 April 2019 ay gabi ahaanba dowladda hoose la wareegayso wixii xoolo ah ama neefka lo’da ah ama geella ah ee lagu arko magaalada,” ayuu yidhi Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco).

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here