Wasiirka Maalgashiga Somaliland Oo ka Qayb Galay Shir Caalamiya oo Ku Saabsan Maalgashiga + SAWIRRO

0
843

Malmö,(HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Cawad, ayaa shir kaga qayb galay magaalada CASCAIS, ee dalka PORTUGAL, shirkan ayaa lagu magaacabaa Horasis Global Meeting.

Shirkan ayaa Somaliland lagu casuumay waxaana ka soo qayb galay in ka badan 800 oo qof, kuwaas oo iskugu jiray madax iyo maalqabeenno dunnida ka kala socday. Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Mudane Maxamed Axmed Cawad waxa uu ka jeediyay khudbad uu kaga warramayo taariikhada Somaliland iyo ilaha maalgashi ee ay leedahay. Wasiirka ayaa ku dheeraaday sharraxaadda marxaladihii kala gaddisnaa ee ay soo martay Somaliland iyo halka ay maanta marayso, sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay fursadaha Maalgashi ee ka jira Somaliland, sida Macdanta iyo tamarta, kalluunka, beeraha, xoolaha, beeyada IWM waxa kale oo uu xusay wasiirku in Somaliland leedahay wax kaste oo suura galinaya maalgashi, taas oo uu tusaale ugu soo qaatay in Somaliland tahay dal nabad ah, dimuqraadiyadi ka hana qaadday, leh shuruuc iyo kala dambayn, tahay dal ka dhisan dhan kaste oo lagu soo hiran karo maalgashigeeda.

 

Shirkaas oo socday laba maalmood ayaa wasiirka  maalgashiga Somaliland  lagu soo marti qaaday.

 

Sidoo kale wasiirka waxaa safar ku tegay wadamo ka tirsan dalalka Scandinavian-ka ee Yurub, isagoo intii uu wadamadaas ku sugnaa kulamo la yeeshay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden.

Geesta kale jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool wadamadda Scandenavian-ka ayaa wasiirka soo dhawayn balaadha u sameeyay.

Wasiirka maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa intuu safarka ku joogay dalka Sweden la kulmay jaaliyadda Somaliland ee magaalada Malmö.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here