Maayirka Hargeysa Muxuu Ka Yidhi Eedihii Faysal Cali Waraabe?

0
651

Hargeisa (Hargeisa Press)- Duqa Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Ka Jawaabay Eedayn Kulul oo uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe u jeediyey Golaha deegaanka ee Caasimadda.

Maayerka Hargeysa oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ku dooday inaanay Sharci-darro ku fadhiyin golayaasha deegaanku sida uu ku eedeeyey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu xusay in goleyaal la soo doortay beddeli karaan sida sharcigu dhigayo.

Waxa uu Maayer Soltelco ka codsaday Madaxweynaha Somaliland inuu furo Ururrada Siyaasadda, si jaanis ay u helaan dad badan oo hansiyaasadeed leh, maaddaama oo aanay fursad u wada heli Karin Xisbiyada hadda jira oo uu tilmaamay in qaarkood cid gaar ah kooto u yihiin, siduu ku dooday.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here