London (HargeisaPress) -Haweenkan Qurbajooga ee degan galbeedka London Dalka ingiiriska oo ku midoobay ururka Gaf Woman Group ayaa Casho sharaftan iyo sagootin ah ugu sameeyey Hudhelka Behesht Restaurant ku yalaa galbeedka London ,
Xubnaha Ururka Gaf Woman Group iyo Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo mudooyinki u danbeyay ku sugna Dalkan Ingiriiska ayaay iska xog wareeystay xaaladda guud Somaliland iyo Gobolka Togdheer oo Haweenkan mashariic hore uga fuliyen iyo kuwa iminka ku tala jiran sidi wax ugu qaban lahaayen degaanadoda baahiyaha ka jira iyo sida ay haweenka kale Reer Gaf iyo Reer Togdheer ee ku nool gobollada dalka Ingiiriska uga qeyb-qaadan karaan horumarinta dalkooda.iyo degaamadooda.
Xildhibaan Mubaarik ayaa ugu mahad-celinayaa Haweenka ururka Gaf Woman Group oo si weyn u soo dhoweeyey , sidoo kale runtii Casho sharaftan aad i samaysen iyo sida sharaften waxaanu u arkaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf iyo inad jeceshihin in Gobolkeni iyo degaamadeni horumar la gadhsiiyo . hada tihin Haweenka Galbedka London Gaf waxanan rajeynaya in talooyinkina an qadan doono kuna shaqayn doono ”Ayuu yidhi Xildhibaan Bidhi.
DAAWO SAWIRADDA