Guddigii Somaliland Ee Gurmadka Dadka Ay Fatahaaddu Saameysay oo Gaadhay Beledweyne (SAWIRRO)

0
995

Beledweyne (Hargeisa Press)-Wafdiggan oo ka koobnaa xubnihii Guddiga ay Somaliland u saartay gurmadka Dadka ay Fatahaaddu saameysay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Ceydiid Xassan oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in ay soo gaadhsiiyeen magaalada Beledweyne Deeq lacageed dhan $600, 000 dollar oo Kaash ah [Lix Boqol oo Kun oo Dollar] oo ka timid sida uu hadalka u sheegay Somaliland, waxaana uu intaa ku daray in lacagtan loogu tala-galay in lagu kaalmeeyo dadkii Fatahaaddu saameeynta weyn ku yeesheen.

Wafdiga waxaa safarkooda magaalada Beledweyne ku wehlinayay Xildhibaan Farxiya Muumin Cali iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

”Ma’aha markii koowaad ee waa markii Labaad oo Somaliland ay Beledweyne u soo gurmato oo  ay soo gaadhsiiso deeq gaar ah, gurmadkan aynu sidnaa hadda waxaa mid ay noo soo dhiibeen bulsho weynta Somaliland oo ay ugu tala-galeen walaalahooda reer Beledweyne” ayuu yidhi Jamaal Ceydiid.

Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga Gurmadka Fatahaadda ee gobolka Hiiraan Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa uga mahad celiyay wafdiga ka yimid Somaliland deeqday ay soo gaadhsiiyeen, isaga oo sheegay in bulshada reer Somaliland iyo Beledweyne yihiin dad xusuus gaar ah isku leh” Runtii waxeynu xasuusanaa ,, Heestii uu Beledweyne u sameeyay Abwaan Hadraawi ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha guddiga gurmadka Fatahaadda gobolka Hiiraan.

Waxaa xusid mudan in wafdigan dadkii maanta ku soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ka mid ahaayeen bulshada deegaan ahaan ka soo jeedda Somaliland ee ku dhaqan gobolka Hiiraan kuwaa oo ku faraxsanaa in ay arkaan wafdi ka yimid Somaliland oo u soo gurmaday dadka ay Fatahaaddu ku dhufatay ee ku dhaqan magaalada Beledweyne.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here