Maayirka Gabiley Oo Ka Warbixiyey Faa,idooyinka Uu Mashruuca JPLG gu U Leeyahay Degmadiisa .

0
835

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maayirka magaladda Gabiley Maxamed Aamin  Cumar Cabdi  Ayaa  Maanta Warbaahinta Ugu War Bixiyay Faa,idooyinka Uu Mashruuca  (JPLG) gu U Leeyahay Degmadda gabiley  .  Wuxuu Sheegay In Mashruuca JPLG gu UU Yahay Mid Faa,idooyin Waa-weyn U Leh Bulshada Ku Dhaqan Degmadda u MaamulO Isla Markaana Ay Ka Qeyb Qaataan  Wax Ka Qabashada Baahiyaha Ay Dadkaasi Qabaan.

GPLG 43

Mayarka Degmada Gabilay Maxamed Aamin  Cumar Cabdi Waxaana Hadaladiisi Ka Mid Ahaa “ Maanta Waxaanu Joogna Hotel Ambasadoor  Oo U Ka Furmay Shirkii Maamul Daadajinta Ee JPLG  Isla MArkaana Ay Halkan Ka Socoto Falanqayn  Ku Saabsan Mashaariicda JPLG ga  Ee Degmooyinka UU Ka Socdo Iyo Qaabka Uu U Hirgaly ,Caqabadaha Ka Hor Yimid  Iyo Waxii Talo Iyo Tusaale Lagu Daraayo,  Runtii Shirkaasi Waanu Soo Dhaweynaynaa Guud Ahaana Aad Baanu Ugu Faraxsanahay

Waxaanan Odhankaraa Mashruucan JPLG Gu Degmooyinka Uu Ka Socdo Waxaa Uu Ku Soo Kordhiyey Nidaam Shaqo OO Hufan  ,Maamul Wanaag . Iyo Maamul Fidinta  Qeyb Weyn Ayaa Uu Ka Yahay  ,Sidoo Kale Waxaa UU Qeyb Weyn Ka Yahay Wax Ka Qabashada Baahiyaha Waa-weyn Ee Ay Bulshadu Qabto “ Ayuu Yidhi Maayarka Maagalada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi .

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here