Hargeysa, (HargeisaPress) — Maayarka Dawladda Hoose ee Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa si adag uga dagaal galay Mooshinkii ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu shalay diiden, waxaana ka mid ahaa talaabooyinka uu qaaday in uu kaga aargoostay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) in uu dumiyo Guest House uu ku leeyahay Hargeysa, kaasoo habeen ka hor inta uu shaqaalaha Dawladda Hoose u diray ku qoray Dumis kaabadaha amaanka loogu talogalay kuwaas oo ay Dawladda Hoose ee Hargeysi hore ugu ogolaatay.
Sida ay HargeisaPress.com u sheegeen dad goob joog ahaa waxa ay shaqaalaha Dawladda Hoose ku Amreen xildhibaanka in uu dumiyo kaabadaha iyo qolka ay galaan ilaalada Guest House-ka xildhibaanka oo ay galaan hay’addo Caalimiya, kuwaas oo ay Amaankooda masuul ka tahay Dawladda Dhexe iyo Dawladda hoose oo uu Maayarku masuul u yahay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com
hargeisapress@gmail.com