Maareeyaha Dekedda Berbera Oo Xaqiijiyey In Ganacsatada Lagu Kordhiyey Lacagaha Ay Ka Qayliciyeen Iyo Jawaabka Uu Ka Bixiyey Hadalkoodii + Muuqaal

0
906

BERBERA β€” Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), ayaa xaqiijiyey in ay kordhiyeen tacriifaddii ay ka qayliyeen ganacsatada wax kala soo dega dekedda berbera, waxaanuu sheegay in tacriifaddaasi ay jirto oo qaar ka mid ah badeecadaha ka soo dega dekedda berbera lagu kordhiyey.

 

 

Cali Xoor xoor oo la Β hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu ku tilmaamay kordhinta tacriifaddaasi in ay tahay mid macquul ah oo ay isla dhantahay boqol dollar koontiinarkiiba, taas oo uu ku sifeeyey mi ka jaban dhamaan dekedaha kale ee Geeska Afrika, waxaanuu u tilmaamay in lay tahay arrintaasi mid u wada taalla dawladda iyo ganacsatada oo la xallin doono, blasΓ© sida uu hadalka u dhigay aanay jirin in ay gorgortan kala gelayaan tacriifaddaasi ganacsatada.

 

Eng Cali Xoor Xoor oo arrimahaasi ka had;aya waxa uu yidhi “Ganacsada dekedda isticmaala iyo xafiiska Ganacsiga ayaa sheegay in tacriifad khalan la dul saaray oo aan munaasibad ahayn, waxaana jira xoogaa korodhsiimo ah oo tacriifadda ah oo aanu ku samaynay badeecadaha qaarkood, dekedda berbera waxa gacanta ku haysa dawladda oo dawladduna waxa ay ka shaqaysaa waa dan guud, marka aanu nidhaahno tacriifadahayagu way hooseeyaaan ooΒ  waanu kordhinay xoogaa”

 

Halkan ka Hoose ka daawo Muuqaalka

 

 

 

Maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey “Warka saxda ah ee aanu sheegayaana waxa weeyaan koontiinarka labaatanka fuudh ah waxa laga qaadi jiray laba boqol iyo kon Dollar, waxaana la soo saaray dhawr sanno ka hor, markaa boqolka dollar ee korodhsiimada ah, waxa ay noqonaysaa koontiinarkii oo koontiinarkii waxa uu noqonayaa sadex boqol iyo konton dollar, waxaana sababay arrintan sarifka oo is bedelay, waana wax u wada yaalla dawladda iyo ganacsatadaba, markaa waxa kordhay waa intaas, waxaan leeyahay weli dekedsda berbera way hoosaysaa yaan been laga sheegin dekedda, waayo dekeaha kale aad ayey uga beden yihiin marka loo eego dekedda berbera ta Djibouti” ayuu yidhi maareeyaha dekedda berbera.

 

Shalay ayay ahayd markii Ganacsatada Waawayne ee wax kala soo dega dekedaΒ  Berbera ay cabasho balaadhan ka muujiyay cashuur laguΒ  kordhiyay koontiinarada ay kala soo degaan dekeda Barbara, waxaanay ganacsatadani, Waxayna ganacsatadani intaasi ku dareen inay joojin doonaan koontiinarada ay la soo degijireen inta wax laga qabanayo cashuurta lagu kordhiyay.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

Β 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here