“Maanta halkan aynu Xafladda ku qabsanayno waxaa dabaqa inaga hooseeya ku shiraya Ururka Solja, waa markii u horaysay ee ay taariikhda qaybsamaan ee qaarkoodna galaan qaarna dibada ka joogaan”Boobe Yuusuf Ducaale

0
835

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Xukumadda ku eedeeyay kala qaybinta Ururada Ra’yidka ah, isagoo sidoo kalena dhalliilay Loolanka u dhexeeya Siyaasiyiinta Beeshiisa ee leh Hanka Madaxnimo ee Kulmiye .

Ugu horayn Boobe oo ka hadlay Munaasibad Xisbiga Waddani ku qabsaday Hotel-ka Ambassador ee Hargeysa waxa uu tilmaamay in Xukumaddu faro galinayso Ururada Rayidka ah, isagoo arintaasi ku macneeyay siyaasad xumo jirta.

“Maanta halkan aynu Xafladda ku qabsanayno waxaa dabaqa inaga hooseeya ku shiraya Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, waa markii u horaysay ee ay taariikhda qaybsamaan ee qaarkoodna galaan qaarna dibada ka joogaan oo Hogaankii qaarka mid ah Bayaankoodii ay kaga soo horjeedeen  saaka Warbaahinta ku yaalay.

Dhibka dadka gaadhay waa taas waxaa loo soo dhigtay Ururadii farsamada, waa Ururadii Rayidka ahaa, waa Ururadii Xirfadda Oo Sonyo ka mid ahayd oo Madaxweynaha oo fadhiya hortooda nalagu caayayay” ayuu yidhi Boobe.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu tilmaamay inaanay Waxqabad u arag Daaro la dhiso bale ay fiicnaan lahayd in la dhiso Dadka “Waxaanu dhibta u aragnaa, Afar kun oo qof ayuu Nin Masuul ahi marti qaadayaa,Ninka doonaya inuu Doorasho gala Suuqa ha u soo baxo” ayuu Boobe Yidhi.

Mujaahid Boobe waxa uu soo jeediyay in Xukumaddu mawqif cad oo ku aadan Ujeedka Wada hadalka Somalia ay kula jirto u soo bandhigto dadka “Hala wada hadlo waa aan heshiino oo ma diidanin laakiin,Waxaan Umadda Somaliland qaban wefti 20 qof ahi Jabuuti ha tago oo wada hadal baanu ka qayb galaynaa ha yidhaahdaan, Madaxweynuhu Madaarka ha ka soo dego, dabadeedna waxaan afartan daqiiqo ama aan hal Mirir ku sinnayn ha ka hadlo, labadaasi laba isqabanaya maaha” ayuu yidhi Boobe

Boobe oo arinta wada hadalka ka sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa looga fadhiyaa Xukumadda waa Maxay siyaasadda ay Somaliland ka leedahay wada hadalada? Waxaanu rabnaa iyadoo cad oo Qoran oo Saxeexan oo tixraaceeda iyo Hanaankeeda leh”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here