Xubno Ka Mid Ah Hogaankii Solja Oo Shil Baabuur ku Dhaawacmay + SAWIRRO

0
1127

Berbera, (HargeisaPress) — Xoghayihii guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Gudoomiye xigeenkii Ururka Maxamed Cabdi Curad iyo Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur, ayaa maanta ku dhaawacmay Shil baabuur.

Xubnahan dhaawacyadu soo gaadheen oo cisbitaalka Berbera lagu dawaynayo waxaa ugu dhaawac culus Maxamed-rashiid oo sida uu sheegay Dhakhtarka dawaynaya dhaawac ka soo gaadhay Qoorta iyo Madaxa.

Shilkan ayaa abaaro duhurkii maanta ka dhacay duleedka Berbera,iyadoo Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur oo dhaawac fududi soo gaadhay warbaahinta u sheegay inuu u dhacay si kadis ah islamarkaana uu ahaa mid qadar Alle ku dhacay.

HargeisaPress – Office – Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here