“Maalka suuqa Waaheen lagu darro ajar weyn baa laga helayaa…”

0
552

Nairobi (HP): Maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, ayaa hawlo shaqo u tegay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
U jeedadda socdaalka uu maayarka Hargaysa ku tegay Nairobi ayaa la xidhiidha sidii loogu soo wareejin lahaa lacago qaadhaan ah oo ay bulshadda Soomaalida Kenya ku nool kaga qayb qaadanayaan gurmadka suuqii gubtay ee Waaheen.
Waxaanu maayarku Nairobi kaga qayb galay kulan balaadhan oo qaadhaan lacageed loogu ururinayay suuqa Waaheen ee Hargaysa ee dhawaan gubtay.
Kulankaasi waxaa ka qayb galay ganacsatadda Soomaalifa ee Kenya degan, culimo, siyaasiyiin, iyo waxgarad.

Maayar Mooge, ayaa si weyn ugu mahad celiyay qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya, sida ay ula famqadeen walaahooda reer Hargaysa.

DAAWO: Hadalkii Uu Maayarku Kulankaasi Ka Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here