Laba Murrashax Oo U Taagan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland Ee Soo Socota Oo Si Wada-jira U Bogaadiyay Chief Caaqilka Cusub Beesha Aadan-Madoobe

0
1195

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Murrashixiinta Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee Soo socota Jamaal Cali Aadan iyo Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse ayaa si wada-jira u bogaadiyay caawa Caleemo-saarka Chief Caaqilka cusub ee Aadan Madoobe ee Beesha Habar-jeclo Chief Caaqil Barkhad Cabdi Shaybe oo xalay lagu caleemo Saaray Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Murrashixiintan oo caawa shir-saxafadeed ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxay si wada-jira ILAAHAY uga baryeen inuu Chief Caaqilka Cusub ee xilkaasi loo cumaamaday inuu ku asturo.

nnnn

Murashaxa doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota Murashax Jamaal Cali Aadan ayaa waxa uu bogaadiyay Caleemo saarka Chief Caaqilka Cusub Barkhad Cabdi Shaybe, waxaanu yidhi β€œWaxaan caawa halkan Hambalyo iyo bogaadin uga direynaa Beesha Aadan Madoobe (Habar-jeclo), oo ka mida beelaha Somaliland, oo Xalay Magaalada Burco ku Caleemo-saaray Chief Caaqilka cusub ee Chief Caaqil Barkhad Chief Cabdi Shaybe iyo beeshiisaba sida midnimada iyo wada-jirka leh ee ay u doorteen ninkaasi dhalinyarada ah, ee hawlkarka ee ka soo jeeda reerka magaca iyo taariikhda faca-weyn leh.”

β€œWaxaanan ILAAHAY uga rajaynaa Barkhad Cabdi Shaybe inuu ka yeelo mid dadkiisa iyo dalkiisaba xilka culus ee loo dhiibay ugu adeega wada-jirkooda iyo midnimadooda oo ka dhaqan ahaan ku ilaaliyaa, ILAAHAY-na waxaan uga baryayaa inuu xilkaasi Culus ee loo igmaday inuu ku soo asturo”.Ayuu yidhi Murrashaxa Jamaal Cali Aadan oo ka sharaxan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee Soo Socota Gobolka Togdheer Magaaalo madaxdiisa Burco.

Murrashax-Cabdirashiid

Sidoo kale, Murrashax Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse (Caga-weyne) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi β€œWaxaan halkan ka hambalyaynayaa Beesha Aadan Maxamed (Aadan Madoobe) Habar-jeclo oo xalay ku caleemo Saaray Magaalada Burco Chief Caaqil Barkhad Cabdi Shaybe, isla markaana waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu xilkaasi Cusub ee loo igmaday u fududeeyo, oo uu noqdo kii Somaliland nabadeeda iyo wada-jirkeeda ka shaqeeya oo ku hogaaminaya nabadda”

β€œChief Caaqilkan Cusub ee la caleemo saaray Chief Caaqil Barkhad Cabdi Shaybe waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahana, waxaanan leeyahay ku soo dhawoow xilka Cusub ee lagu cumaamaday”.Ayuu yidhi Murrashax Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse oo isna ka sharaxan Doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada Somaliland Gobolka Saaxil.

Labadan Murrashax ee kala ah Jamaal Cali Aadan iyo Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse ayaa waxay sheegeen inay u kala sharaxan Beesha Habar-jeclo.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here