Kulmiye oo Ka Gilgishay Isbaaheysiga Xisbiyada UCID iyo WADDANI

0
1271

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa uu si weyn uga gilgishay isbaaheysiga ay samaysteen labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI.

Xisbiga Kulmiye, ayaana sheegay in labada xisbi mucaaradka ee ay baalmareen hannaanka loogu tartamo guddoonka Baarlamaanka iyo goleyaasha Deegaanka.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, ayaa sheegay in arrintaasi ay baalmarsan tahay habkii dimuqraadiga ahaa ee ay mudanayaasha la soo doortay guddoonkooda u dooran lahaayeen.

“Dimuqraadiyadda waxaa ka mid ah mudanaha bulshada Somaliland ay soo dooratay ayaa awooddiisii la qaaday oo xisbiyo intay hoteel fadhiisteen ku heshiiyeen, taa ayaa ah mid dimuqraadiyadda lagu curyaaminayo,”

Waxa uu Buuni intaasi ku daray “Waxa ay ahayd in sida xisbiga Kulmiye oo kale ay bannaanka ka joogaan arrintaas oo inta wakhtiga qaanuunku jideeyay eegaan oo mudanayaasha loo daayo awooddooda sharci ee ah in marka golaha ay soo fadhiistaan ay cidda ay rabaan doortaan.”

Haddaba labada xisbi ee mucaaradka ah ee Wadanni iyo UCID, ayaa durba shaaciyay in ay doonayaan in ay dhisaan isbahaysi ay ku doonayaan in ay awoodda hogaanka goleyaasha deegaanka iyo baarlamankaba kula tartamaan xisbiga talada haya.

Dhankiisa afhayeenka xisbiga Kulmiye, Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in labadaasi xisbi ay khalkhalgalinayaan nidaamkii dimuqraadiyadda oo ay mudanayaasha la doortay ka qaadayaan xaqii ay lahaayeen.

“Xisbiyada maanta layliga ah oo qaarkoodba maanta doorashada Wakiillada ay kow u tahay ayaa ah kuwa qaanuunka dhinac maraya khalkhalkuna uu soo wajahay, oo iyadoo aan la gaadhin in la doorto shir guddoon suuqa ku sii heshiiyay oo awooddii golaha iyo mudanayaasha soo socda ee qiimaha badan ee maanta Somaliland oo dhan u riyaaqsan tahay inay laba nin iyo dad ay wataan ku sii heshiiyaan waa taa tan khalkhalka keenaysaa,” ayuu yidhi Buuni.

Hadalakan xisbiga Kulmiye, ayaa imanaya kadib markii labada xisbi mucaaradka ee UCID iyo WADDANI ay shalay shaaciyeen in ay doonayaan in ay dhisaan isbaahaysi ay ku doonayaan in ay awoodda hogaanka goleyaasha deegaanka iyo baarlamankaba kula tartamaan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here