Murashaxiintii Ugu Codka Badnaa Doorashooyinkii Goleyaasha Degaanka Iyo Wakiiladda Somaliland Oo Shacabka La Hadlay.

0
979

Hargeysa,(HargeisaPress)-Musharraxii ugu codka badnaa golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa uga mahadceliyay dadweynihii siiyay codkooda sida aqlabiyadda leh ee ay u doorteen, waxaana uu sheegay in doorashadiisu ay jid cusub furtay.

Mudanaha cusub oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay inay xujo weyn ay ku tahay naftiisa sida aqlabiyadda leh ee loo doortay, isagoo sheegay in guushiisa ay Hargeysa oo dhami wada leedahay.

Geesta kale musharaxii ugu codka badnaa isna golaha wakiillada ee gobolka Maroodi Jeex Barkhad Jaamac Batuun ayaa isna u mahad’celiyay dadkii sida aqlabeyadda leh ugu codeeyay oo uu sheegay inay gob xariira ay ahaayeen, waxaana uu ku tilmaamay doorashadii waddanka ka dhacday mid mucjiso ah oo waligeed taariikhda Somaliland ku jiri doonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here