Fanaanad Shamis Qarda Jeex oo Ka Warantay Doorkii Ay Ku Lahayd Halgankii Xornimada Jabuuti

0
1840
Fanaanad Shamis Qarda Jeex
Fanaanad Shamis Qarda Jeex

Djibouti (Hargeisa Press)- Fanaanada Caanka ah ee Shamis Cali Faarax oo loo garan ogyahay (Shamis Qarda Jeex) kana mid ah Hablihii fanaaniinta ahaa doorka laxaadka leh kasoo qaatay Halgankii xornimada dalka Jabuuti 1977-kii, taasi oo baal dahab ah kaga xusan taariikhda dalka Jabuuti iyo heesihii gobonimo doonka ah ee ay ka qaaday, ayaa ka warantay halgankii xornimo doonka ee dalka Jabuuti.

Haddaba, waxa dhawaan qormo xiiso badan ka qoray Fannaanadda Shamis Cali Faarax Wargayska Luuqadda Faransiiska waxa ku qora ee La Nation oo ka soo baxa dalka Jabuuti.

Qormada uu Wargaysku ka qoray fanaanada shamis Qardajeex ayaa waxaa ciwaan looga dhigay.( Wadaninimadu Waxay Ku Dhegan Tahay Jidhkeeda!) taas oo lagu faah faahiyay doorkii ay ku lahayd halgankii xornimada dalka Jabuuti iyo Taariikhdeeda faneed, halka ay ku dhalatay iyo dalka ay haatan deggan tahay Fannaanaddu. Waxaanu u dhignaa sidan:-

“Shamis Cali Faarax waxay ku dhalatay Jabuuti sannadkii 1958-kii, waxayna ku nooleyd degmada 5aad. Wejiga dhalaalaya ee farxaddu ka muuqato, ayaa leh soo jiidasho wanaagsan, waxay leedahay dabeecad wanaagsan, waana qof naxariis badan, mana yareyso ereyada. Waxaad dhihi kartaa waa shucuur u gaar ah, gaar ahaan markay ka sheekeyneyso qisada dalkeeda waqtigii xornimada.

Shamis waxaanay marna illaawin oo ay si wanaagsan u xasuusataa safarkii dheeraa ee ay soo mareen iyada iyo dadkii ay isku dalka ahaayeen ee ay wada halgamayeen. Waxay kula ololeeysay Deriskeeda  LPAI ee xaafadeeda; Waxay ka mid ahayd koox dhalinyaro ah oo qaaday heeso caan ah oo gobannimo-doon ah LPAI. Shamis waxay dib u xasuusataa in astaamihiisii Xaafadda uu ka gilgishay dhaqdhaqaaqii gobonnimo-doonka Jabuuti, Kuwaana waxa ka mid ahaa Xaaji Cumar Kaamil iyo Hooyadiis Quraan Aboubaker Farah.

1976-kii, Ururka Midowga Afrika  wuxuu wafdi u soo diray Jabuuti, kawaas oo hadafkiisu ahaa in la tixgeliyo himilooyinka reer Jabuuti ee madaxbanaanida qaran ee ay muddada halganka ugu jireen.

Taas si loo gaadho, hoggaamiyeyaashii xisbiga “LPAI” waxay Abaabuleen xaflad lagu maamuusayo Waftiga Afrikaanka ah: Waxaa ka mid ah heesaha ay sameeyeen kooxdan “Oubah Dalka”, Chamis waxay soo Bandhigaysaa tuducyo sida “waa kow Wafti mida oo ay noo sodireen walalaha Afrika.” Bal aynu ku nasanno Heestaas Shamis oo dhalinyar ahi ku luuqaynayso oo ay si dareen leh u qaadayso, muujinaysana siday u je;layd dalkeeda hooyo iyo inuu xorriyad helo.

Halgan dheer oo muddo lagu soo jiray ka dib, Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxa uu xorriyadda ka qaatay gumaystihii Faransiiska 27-ka bishii June 1977-kii. Farxadda guusha oo ay dhiggeeda Fanka iyo Bulshada reer Jabuuti kala sinnayd Shamis, waxay ka mid ahayd dhalinyaradii loo xushay inay ka shaqeeyaan Radyawga iyo Televisionka Qaranka Jabuuti ee RTD. Wakhtigaa Saaxiibbadeed waxay ugu yeedhi jireen; “quruxda TV-ga”.

Shamis Ali Faarax waxay si gaar ah u magacowday Fannaaniintii kooxdeeda “RTD Group”, Fatouma Ahmed Dhimbil, Fadoun Doualeh, Xaawo Cilmi, Hodan Xaaji Mohamed Abwaan Xasan Cilmi, Abwaan Ibrahim Sheekh Saleebaan (Ibraahin-Gadhleh), Maxamuud Elmi Good (Qooryare) iyo fannaaniinta sida Abdi Robleh Qarchileh, Abdirahman Ali Xersi, Maxamed Ali Fourchette, AbdiNour Allaaleh, Abdi Faarax iyo kuwo kale. Chamis Qardajeex kooxdii ay ka midka ahayd Waxay fursad u heshay inay  raacdo Madaxweyne Xasan Guuleed ABTIdoon (nabadgalyo ha u ahaato naftiisa) iyo dowladiisa dhulka gudaha; Waxay xusuusataa in fanaaniintu u yaqaanneen Madaxweynaha “Aabahood”, xaaskiisana  Hooyadood.

Hadalladeeda ku aaddan xusuusta la wareegidda calanka qaranka, Waxay ku xusaysaa heesta astaanta qaranka JABUUTI “Injinee u sara kaca” ee uu curiyey Abwaanka “Qooryar” iyo kuwa kale “Anigo dhabtii dhudhub oodan iyo dhabo halaq Fadhiyo ka dheelmiyeey baryo kugu dhadhabay calanyahoow Dhashee kii xalay dhisnaa dhoobada ku ridday dhayal kuguma Helin dhaantiyo helwee””. Hees kale oo loo hibeeyay Aabbaha Qaranka Hassan Gouled Aptidon oo lagu muujinayo sida loo garab-taagannaa Hoggaamiyaha Qaranka Xoroobay.

Shamis Qardo-jeex waxa kale oo sheegtay inay ku faraxsantay heerka horumarka ee ay bilowday Jabuuti sannadihii la soo dhaafay dhammaan dhinacyada oo dhan iyo gaar ahaan firfircoonida iyo isbeddelka dadka reer Jabuuti guud ahaan.

Xusuusnow in Shamis Ali Farah nooga timaaddo meel fog oo ay degen tahay dalka Kanada in ku dhow soddon sano. Xitaa haddii ay ka fog Tahay dalkeedii hooyo, waddaniyad ayaa jidhkeeda ku Xididdeysan. Meel u dhow wadnaha..” ayaa lagu soo gabo gabeeyay qormo xiiso leh  oo wargayska Afka faransiiska kusoo baxa ee dalka jabuuti ka qoray Fannaanadda Shamis Ali Faarax (Shamis-qardajeex) oo hormuud u hayd hablihii fanaaniinta ahaa ee halganka xornimada dalka jabuuti ka qayb-qaatay.

Fanaanad Shamis Cali Faarax ayaa kamid ah shakhsiyaadka dhibaatada wayni kasoo gaadhay halgankii gobonimo doonka dalka Jabuuti kaasi oo ay ku wayday odaygeedii kadib markii ay toojar iyo xidhig kula kaceen dalka Faransiisku.

Dhanka kale, Fannaanada Shamis Cali Faarax, waxay nasiib u yeelatay in ay noqoto Muwaaddinad laba dal leh iyadoo kasoo Jeedda Somaliland iyo Jabuuti-ba, waxaanay si la mid ah halgankii ay u gashay Xornimada dalka jabuuti uga qaybqaadatay halgankii Qadhadhaa ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heeso guubaabo ah u qaadday, iyadoo sidoo kale ka mid ahayd dadkii dalka Sucuudiga degganaa wakhtigaa ee reer Somaliland ee dhaqaalaha lagu Taakulayo SNM soo ururin jiray, taas oo horseedday In lagu guulaysto halgankii hubaysnaa ee gayiga Somaliland lagaga xoreeyay Dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya, isla markaana lagula soo noqday noqday madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland 1991-kii. Shamis Qarda-jeex waxay u heeso waddani ah iyo calanka u gaar ah u qaadday Somaliland.

Sidaas oo ay tahay Fannaanadd Shamis-qarda-jeex, waxay sheegtay inaanay wax tixgelin iyo xurmo ah toona ku hayaynin Dowladaha dalalka Jabuuti iyo Somaliland oo ay xornimadoodii halgankaa qadhaadh u soo martay. Inkastoo ay ku raaxaysato xorriyadda ay dadkeedu ku naaloonayaan, haddana weli may helin Xukuumado Madaxdoodu ku txigeliyaan wixii ay u soo martay dalalka ay hoggaamiyaan, balse waxay ku faraxsan tahay in Bulshadeedu u ogtahay, sida ay noo sheegtay Shamis.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here