Kulan Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Dhakhaatiirta iyo Culimada Dalka

0
1652

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa kulan la qaatay qaar ka mida culimada waa weyn ee waddanka, iyo dhakhaatiirta Somaliland.

Kulankani ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa ujeedadiisu ahayd mid lagu xoojinayo sidii bulshada looga wacyigelinlahaa faafitaanka xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in guddida heer Qaran ee ka hortaga xannuunka Covid-19 ay isla qaateen in culimada iyo dhakhaatiirtu ay yihiin awooda koobaad ee lagaga hortagi karo xannuunka Covid-19, isaga oo xusay in dhakhaatiirta iyo culimaddaba looga baahan yahay in bulshadda ay u sheegaan sida fudud ee lagaga hortagi karro xannuunkaasi “Guddida Covid-19 waxaa ay isla garatay in labada awoodood ee ugu mudan ee ay tahay in dadka wax u sheegeen ay yihiin, culimada diinta islaamka inoo hogaamisa iyo dhakhaatirtu, oo ay talada iyo sidii xannuunkan looga hortagi lahaa maskaxdooda ka soo burqato”

Xubno ka mida culiimada iyo dhakhaatiirta waa weyn ee dalka oo kulankani goob joog ka ahaa ayaa bulshada u sheegay talaabooyinka lagaga hortagi karo xannuunkaasi iyo halista uu leeyahay, waxaanay bulshada u soo jeediyeen in ay ogaadaan khatarta uu leeyahay iyo in aanu wax daawo ah laheyn balse uu ‘ka hortag leeyahay “Xannuunkani malaha daawo weli talaal looma sameyn, marka ka hortaga ayaa ka fiican daaweynta’,.

Waxaa markaasi loo baahan bulshaddu inay u dhaga-nuglaato oo talooyinka dhakhaatiirta qaataan, diinteenuna ma diideyso”

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan bulshadda lagu ridin khalkhal ku wajahan xaqiiqada Covid-19, “Weynu ognahay oo culimadu waxaa ay inagu bayaamiyeen, in aanay is diidaneyn shareecada islaamka iyo talooyinka caafimaad, balse ay yihiin laba iskaabayaa, dadyowga warbaahinta soo marinaya wararka aan xaqiiqada aheyn, ama shaki gelinaya inay ka waantoobaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here