Itoobiya: Deegaanka Tigreega oo Doorashada Ka Qaatay Mowqif Ka Duwan Kan Dowladda Dhexe

0
1308

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Dabresiyon Gabra-mikael ayaa sheegay deegaankiisu inuu doorasha u gaar ah uu qabsanayo lagana taxaddarayo faafitaanka Covid-19.

Guddoomiyaha xisbiga talada deeganka Tigreega haya ee TPLF Dr Dabresiyon Gabra-mikael oo warbaahinta kula hadlay magaalada Maqale wuxuu yidhi “Dowladda Federaalka hadalka ka soo yeedhay ee ah inaan doorasha la qaban karin xili uu Coronavirus taagan yahay hadalkaasi kuma raacsanin, anagu doorashada waan qabsaneynaa iyada oo laga taxaddareyno faafitaanka fayraska Corona.”

Wuxuuna intaa ku daray “Deegaankayaga dhanka sharciga anaga oo ka eegeyna inaan xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada ee ay khuseyso iyo guddiga doorashadaba lagala tashanayo ayey doorashadu dhaceysaa.

Madaxweyne ku xigeenku waxaa kale uu sheegay Dowlad Deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya doorashada uu qabanayo iney ku kallifeyso meel marinta go’aanka shacabka deegaankaasi iyo dastuurka deegaanka oo loo hoggaansamayo.

“Wixi ka dambeeya bisha December maadaamaa ay awoodda dowladeed oo dhan ay meesha ka baxeyso haddii xillligaa ka hor ay doorasha qabsoomi weydo dhibaatooyin badan ayaa dhacaya” ayuu yidhi Dr Dabresiyon Gabra-mikael.

Tartan ayaanu galeynaa in nala doorto iyo inaan nala dooranba wey dhici kartaa” ayuu yidhi Dr Dabresiyon Gabra-mikael mar uu ka hadlayey waajibnimada iney doorashada deegaankaasi qabsoonto.

“Cudurka Coronavirus ee dalka ka jira ma aha inuu sabab u noqdo in xukunka lagu dheereysto” ayuu yidhi.

“Doorashada waxa ay dib ugu dhigtay dowladda dhexe ma aha sida ay sheegeen cabsi laga qabo faafitaanka cudurka safmarka ee Coronavirus, balse dowladda dhexe marki horaba ma dooneyn doorasho iney xilligeeda ku qabsoonto” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega ahna guddoomiyaha xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF, Dr Dabresiyon Gabra-mikael.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here