Trump: Waxaa Laga Yaabaa Inaan Xidhiidhka U Jarno Shiinaha

0
1447

Wareysi uu siiyey taleefishinka Fox Business, ayuu Trump ku sheegay inuu aad uga niyad-jabsan yahay guul-darrada China ay ku xakameyn weyday faafitaanka cudurka Coronavirus, oo sida uu sheegay imika halis ku ah heshiiskii ganacsi ee bishii Janwry uu la gaadhay Beijing.

“Ma ahayn in marnaba ay ogolaadaan in tani ay dhacdo,” ayuu yidhi Trump.
“Waxaan la galay heshiis ganacsi oo weyn, hase yeeshee imika sidii hore ma dareemayo, warqaddii lagu qoray heshiiska weli waa qoyneyd, balse waxaa yimid safmareenkan, mana muuqato hadda sidii hore.”

Cadhada Trump ee ka dhanka ah Shiinaha ayuu sidoo kale kusoo daray madaxweyne Xi oo marar badan uu sheegay inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay.

“Ma doonayo inaan imika la hadlo,” ayuu yidhi Trump oo wareysiga uu siiyey Fox Business ee la duubay Arbacadii lasii daayey Khamiistii.

Trump ayaa wax laga weydiiyey soo jeedin ka timid Senator Jamhuuri ah, oo ah in dal-ku-galka Mareykanka loo diido ardayda Shiinaha ee codsanaya waxbarashada xidhiidhka la leh amniga qaranka.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyn karno, waxaana ka mid ah in gebi ahaan aan xidhiidhka u jarno,” ayuu yidhi.

“Haddii aan sidaas sameyno, maxaa dhici doona, waxaad keydsan kartaa 500 oo bilyan oo dollar,” ayuu yidhi Trump oo tixraacaya qiimaha badeecadaha sanad kasta uu Mareykanka kasoo dhoofiyo Shiinaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa maanta weriyayaasha ugu sheegay magaalada Beijing in joogteynta xidhiidhka ay dan ugu jirto labada dalba, oo dadkooda ay ka faa’iidayaan nabadda iyo xasiloonida caalamka.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here