Kulan Dhexmaray Golaha Wakiillada Somaliland iyo Xafiiska Dowladda Ingiriiska

0
1456

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ahna ku simaha Guddoomiyaha Golaha Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta kulan la yeeshay Saraakiil ka socda Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Kulankan dhexmaray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo Saraakiisha ka socda Xafiiska Dowladda Ingiriiska, ayaa ka qabsoomay xarrunta aqalka Golaha Wakiillada.

Waxaana kulankan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada ku wehelinayay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo Xoghayaha Golahaasi.

Kulankan, ayaa waxaa uu ujeedadiisu daarnaa is-xogwareysi ku saabsan hawlo taageero ah oo Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee magaalada Hargeysa kala shaqeynayay Golaha Wakiillada Somaliland tan iyo sanadkii hore.

Waxaana ay labada dhinac iska waraysteen waxyaabihii u qabsoomay iyo sidii loo sii wadi lahaa hirgelintoonda hawlaha mudnaanta leh ee Goluhu rabo in uu qabto sanadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here