Wasiirka Qorshaynta oo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Galbeedka Boorama

0
645

Boorama (Hargeisa Press)- Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland oo uu weheliyo safiirka dalka Safiirka dalka Denmark u qaabilsan Somaliland, ayaa maanta soo kormeeray mashruuca biyo ballaadhinta galbeedka magaaladda Boorama.

Waxa sidoo kale kormeerkan qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka socday hay’adda SPF, maamulka gobolka Awdal iyo maamulka shirkadda adeegga Biyaha Boorama ee Shaaba, waxaanay weftigani markii ay gaadheen goobta mashruuca biyo ballaadhinta Galbeedka Boorama waxa ay warbixino ka dhegaysteen mas’uuliyiinta gacanta ku haya mashruucan, iyaga oo weftigani sidoo kale halka uu marayo dhismaha Kaydka biyaha ee galbeedka magaaladda Boorama.

Waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Timbaro), waxaanu tilmaamay in muddo dheer la naawilaayey in ay biyahaasi soo baxaan, isaga oo cadeeyey in ay hawsha biyo ballaadhintu wakhtigan gabo gebo tahay, isla markaana ay bisha March soo gebo geboobi doonto, waxaanu u mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay mashruucan biyo ballaadhinta galbeedka magaaladda Boorama.

Waxa isna halkaas ka hadlay Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Suun Andarsoon, waxaanu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Denmark, iyaga oo hadda eegaaya maalgelinta Biyaha magaaladda Boorama, waxaanu cadeeyey in isbedelka cimiladdu uu saameeyey caalamka oo dhan, gaar ahaana Somaliland, iyada oo hoosta laga xariiqaayo baahida biyood ee dadka.

Waxa isna goobta ka hadlay Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Dr Axmed Aadan Buuxane, waxaanu cadeeyey in mashruucani noqon doono mid lagaga nasan doono mustaqbalka biyaha Boorama, marka loo eego qaabka loo qoday ceelasha, qaabka laysugu keenay biyaha, qaabka loo soo tuuraayo iyo qaabka ay u imanayaan taangiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here