Mandheera: Dufcadii 36aad Ee Ciidanka Booliska oo Tababar Loo Soo Xidhay

0
533

Mandheera (Hargeisa Press)- Dufcadii 36aad ee Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo muddo la tababarayay, ayaa maanta loogu soo xidhay tababarkaasi dugsiga tababarka booliska ee Mandheera, ee ka tirsan gobolka Saaxil.

Waxaana askartaasi tababarka u soo xidhay hoggaanka Hawl-galinta Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji, waxaana ka qayb galay xidhitaanka tababarkaasi hoggaanka Hawlaha, Hogganka Tababarka,Hoggaan, ku Xigeenka Ciidanka Booliska, iyo saraakiil kale.

Askartaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 170 askari, oo loo tababaray Layli Dable, ayaa qaatay mudadii ay dugsiga ku jireen tababaro kala duwan, sida jid-dhiska, casharo shuruucda la xidhiidha, oo uu ka mid yahay xeerka ciidanka booliska JSL.

Sidoo kale, duruustii askartaasi mudadda lagu tababaray waxaa ka mid ahaa xidhiidhka bulshadda iyo booliska, barashadda qodobadda dastuurka qaranka, iyadoo dab-ridkii ay sameeyeen ciidankaasi ay ka keeneen natiijo aad u fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here