Kormeerayaal Caalamiya Iyo Kuwo Ka Socda Midowga Afrika Oo Ku Sii Qul-Qulaya Wadanka Djibouti

0
803

Djibouti, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha ururka Midawga Afrika NKOSAZANA DLAMINI ZUMA oo war saxaafadeedkaas ku saxeexan ayaa sheegay in koox kormeerayaal ah oo ka socda ururka Midawga Afrika ay indha indhayn ku soo samayn doonaan doorashooyinka  madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaya maalinta jimcaha ah.

 

Dhinaca kale kormeerayaashan ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona musharaxiinta ku tartamaya doorashada ka dhacaysa dalkaasi  iyo guddida qaabilsan doorashada dalka Djibouti.

 

Sidoo kale waxa wadanka Djibouti maalmihii ugu danbeeyey gaadhayey kormeerayaal caalami ah oo ka socda ururka OCI ee midawga dalalka carabta iyo urur goboleedka Igad, kuwaas oo eegi doonaa habka ay doorashadu dalkaasi uga dhacayso.

 

Doorashada la filayo inay dalka Djibouti ka dhacdo maalinta jimcaha ah ayaa waxa ku tartamaya lix musharax oo u tartamaya jagamada madaxtinimada ee dalka Djibouti.

 

Dalka Jabuuti oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika, ayaa waxaa shantii Sannaba mar ka dhacda doorashada madaxweynenimada iyadoo dhowr jeer oo is xiga dadka Jabuuti doorteen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sheegeen inuu yahay mas’uul Jabuuti ka qabtay hawlo badan oo la taaban karo.

 

 

Muna Yusuf  HargeisaPress —  Djibouti

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here