Wafti Baladhan Hogaaminayo Gudomiye Cirro Soo Gaadhay Magaladda Burco habeenkii xalay + Booqdayna Gurigii Uu Marxumka ka Deganaa Magalada

0
847

Burco, (HargeisaPress) —inaa ilayhi wa inaa ilayhi Raajucuun iyada oo uu Maanlintii shalay Magaladda Burco uu ku Geriyoday alle How Naxaristee Wasiirkii Horre Wasaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali isla markaasna la Filayo in Maalinta Aas qaran Loogu Sameeyo Magalada.

 
Ayaa waxa Magalada burco Soo Gaadhay Wafti Baladhan Oo Uu Hogaminyo Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Waftigaasi Uu Hogaminayay Gudomiyuhu ayaa waxa ka Mid ahaa Gudomiye ku Xigenka Xisbigaasi Axmed Muumin Seed iyo Madax Sare ka Tirsan Xisbigaasi,
Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa Booqday Guriga Uu Magalada Burco ka Deganaa Alle How Naxaristee Dr Cabdi Aw Daahir Waxaanu Gudomiyuhu Halkaasi ka Tacsiyadeyay Xaasaskii,Caruurtii iyo Guud ahaanba Qoyskii Uu ifka Kaga Tagay Alle How Naxaristee Ex Wasiir Cabdi Aw Daahir.

bu

Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Oo ka Hadlayay Tariikhda Marxumkani ayaa waxa ka mid ahaa hadalidisii Sida Tan“ ujeedka Aan u imi Magalada Burco waxa weyaan in Aan Tacsiyadeeyo Guud ahaanba Qaranka Somaliland Gaar ahaana Xaasaskii,Caruurtii,Aabihii Dhalay Marxuumka iyo Guud ahaanba Qoyskii iyo Qarabadii Uu ka Baxay Alle How Naxaristee Ex Wasiir Dr Cabdi Aw Daahir Cali,ilahay waxaan u waydinayaa inuu u Naxariisto una Danbi Dhaafo Jana Fardowsana ka Waraabiyo,Wuxuu ahaa Halgamaa ka soo Qayb-Qatay Halgankii Dheraa Ee ay Shacbiga Reer Somaliland ay Dib ugu Hanteen Qaran-nimadooda,Wuxuu Dr Cabdi Aw Daahir ka Qayb-Qatay Dibu dhiskii Qaran-nimada Somaliland waxaanu xilal kale duwan ka soo qabtay Dalkani Somaliland,Waxaan Qirayaa in Dr Cabdi Aw Daahir ahaa Shakhsi ay Shacbiga Reer Somaliland Qadarin iyo Maamus ay u Hayeen,inaa ilayhi wa inaa ilayhi raajucuun” Ayuu Yidhi Gudomiye Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi Cirro

burco

Ugu danbaytii Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka wadani ayaa isla Caawaba ka soo Anba Baxay Magalada Burco iyado oo uu gudomiyuhu usii jeeday dhanka casimada hargaysa oo la filayo inuu maalinta bariyaba gudomiyuhu u dhoofo doono wadanka Kenya gaar ahaana Casimadda Nairobi,Waxaana la Filaya in Maalinta Bariya Aas qaran loo samayn doono marxumkani ayna ka qayb-gali donaan Wafti ka tirsan xisbiga wadani oo uu horkacayo gudomiye ku xigenka xisbigaasi axmed muumin seed.

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress — Burco

sekeriye80@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here