Kenya oo Ka Hadashay Booqashada Madaxweynaha Somaliland Ku Yimid Nairobi

0
2081
Safarka Muuse Biixi ee Nairobi
Safarka Muuse Biixi ee Nairobi

Nairobi (Hargeisa Press) – Dowladda Kenya ayaa waxaa ay ka hadashay booqashada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku yimid magaalada Nairobi dalka Kenya.

Kenya waxay sheegtay in Madaxweyne Biixi uu kulan la yeelan doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta maalinta Isniinta ayna ka wada hadli doonaan arrimaha ay danaynayaan labada dhinac.

Kenya waxay sheegtay in Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab, isla markaana ay kala hadli doonaan arrimaha danaha ay wadaagan.

“Xiiidhdhka adag ee u dhaxeeya Kenya iyo Somaliland wuxuu xoojinayaa isdhex-galka amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ee u dhaxeeya labada dhinac, Somaliland waa saaxiibka muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada iyo gaar ahaan Al-Shabaab,” ayaa lagu yidhi qoraal ay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ku daabacday bogeeda twitter-ka.

Waxa kale oo lagu xusay qoraalka inaanay joogitaan diblomaasiyadeed ku lahayn Somaliland balse ay garawsan tahay degganaanshaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, ayna danaynayso inay hormariso, ayna ballaadhiso baayac-mushtaraka iyo maalgashiga.

“Kenya wax diblumaasiyadeed kuma laha Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka waxayna dooneysaa inay xoojiso oo ay ballaadhiso ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, iyo weliba sidoo kale maal-gashiga oo saldhig u ah iskaashiga horumarineed ee muddada fog ee gobolka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here